Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Danjiraha Sacuudiga

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan kula qaatay danjiraha Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Saciid Deni iyo danjiraha Sacuudiga u fadhiya Nairobi ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duawan, waxaana kamid ahaa xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga, gaar ahaan sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga.

Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday qodobada looga hadlay ku jiray iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi, waxaana uu halkaas kulamo kala duwan kula qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, Xildhibaano kamid ah labada Golle ee Baarlamaanka Somalia iyo Mas’uuliyiin kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media