Doorasho ka socotay Gobol ka tirsan Mareykanka oo Jahwareer isku bedeshay

Dadaallada Dimoqraadiga ay ku dooranayaan musharax doorashada 2020 kula loolama madaxweyne Donald Trump, ayaa ku billaabay qas iyo jahwareer kadib markii doorashadii xalay ka dhacday gobolka Iowa ay natiijadeeda kusoo bixi weysay waqtigii loogu talo-galay.

Kadib markii cod-bixiyayaasha ay isugu tageem 1,600 oo gooobood oo gobolka ku yaalla, ayaan weli la ogeyn natiijada, waxaana guddoomiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Iowa, Troy Price uu weriyayaasha u sheegay in natiijada ay soo bixi doonto xilli dambe oo maanta ah.

Xisbiga ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen inay sameeyaan dib u hubin “xagga tayada ah” kadib markii xogo is-diidan ay kasoo baxeeen qaar ka mid ah goobaha laga codeeyey, taasi oo dhalisay carro xooggan.

Cod-bixiyayaasha ayaa kulmayey si ay u kala doortaan 11 musharax oo dimoqraadi ah oo ay ka mid yihiin Senator Bernie Sanders, madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden, duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana, iyo Senator Elizabeth Warren.

Saraakiisha xisbiga ayaa kalsooni ka muujiyey inay soo saari doonaan natiijo la hubo.

Maareeyaha ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Brad Parscale ayaa wixii xalay ka dhacay Iowa ugu yeeray “isku dhex-yaac” xisbiga Dimoqraadiga ah. “Waxay maamuli kari waayeen doorasho, side u doonayaan inay maamulaan dowladda. Maya, waad mahadsan tihiin.”​

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media