Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka hadlay Doorashadii maalin kahor ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in Ahlusunna aysan aqoonsaneyn Doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Qoorqoor, iyagoona Doorashada ku tilmaamay mid u afduubneyd dowladda Federaalka.
Sidoo kale Ahlusunna ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka reer Galmudug u sheegtay in uusan jirin wax wadahadal ah oo u socda dowladda Federaalka iyo garabka Ahlusunna.
Ugu dambeyn Ahlusunna ayaa Ciidanka amniga iyo shacabka Galmudug ugu baaqday inay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara iska horimaad.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shaakir.