MadaxweynH Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka shanqriyey inaysan oggolaan doonin Dib-u-dhac kale oo ku yimaada Jadwalka Doorashadda soo socota.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay magaalladda Jowhar oo maanta lagu caleemo-saaray Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Cali C/llahi Cosoble Siyaad iyo Ku-xigeenkiisa, Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu soo dhaweeyey Hannaanka ay ku dhaceen Doorashadda Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda, wuxuuna yididiilo ka muujiyey in inta badan Xubnaha Aqalka Sare la soo dhamaystiray.
Madaxweynuhu waxa uu ku celceliyey inay Dowladda Federalka ka go’an tahay Taaba-gelinta Xilliga Doorashadda, iyadoo uusan dib-u-dhac kale ku imaanin.
Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu bogaadiyey Dhismaha Maamulka HirShabelle, oo uu sheegay inay Juhdi xooggan loo galay sidii loo dhidbi lahaa Maamulkaasi.
Waxa uu u mahad celiyey dhamaan Mas’uuliyiinta, Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaanadda, Siyaasiyiinta iyo Ururradda Bulshadda ee u dhabar adeegay in la dhiso Maamulka HirShabelle oo ay ku mideysan yihiin Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Waxa kale oo uu bogaadiyey Socdaalkii uu Madaxweynaha HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble dhawaan ku tegay magaalladda Beled-weyne, wuxuuna xusay inay Tallaabadaasi mudan tahay dhiiri-gelin iyo in la sii wado La-tashiyadda lagu qancinayo dadka Tebashadda qaba.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu bogaadiyey Dowlad-gobaleedyadda xubnaha ka ah Dowladda Federalka sida ay ugu hawlan yihiin xaqiijinta Yoolka laga leeyahay Doorashadda Somalia.
©Radio Dalsan