Madaxweyne Xasan: “Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo xalin lahaa Tebashadda Walaalaha Somaliland”.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Munaasabadda lagu caleemo-saarayey Madaxweynaha HirShabelle iyo Ku-xigeenkiisa oo lagu qabtay magaalladda Jowhar.

Madaxweynaha waxa u ucarrabka ku dhuftay inay Dowladda Federalka dadaal ugu jirto sidii loo qancin lahaa, loona xalin lahaa wax kasta oo Tabasho ah oo ay qabaan Bulshadda ka soo jeeda W/galbeed Somalia.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in la xalinayo Tebashadda, si loo helo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxa uu bogaadiyey Madaxda Maamulka HirShabelle, wuxuuna sheegay in hawl adag laga soo maray sidii loo dhisi lahaa Maamul-gobaleedka HirShabelle.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxda Maamulka HirShabelle ku booriyey inay dhegeystaan, isla markaana tixgeliyaan Tebashadda ay qabaan qaar ka mid ah Walaalaha ku mideysan Maamulkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor