• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 3, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyay kulankii taariikhiga ahaa ee uu la yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 5, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Johannesburg, 5 December, 2015:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii gaarka ahaa ee uu xaley magaalada Johannesburg kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Dadka ee Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballanqaadey inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana la labanlaabayo iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo badan oo kala qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo abuurista fursado maalgashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaya inay Shiinaha oo awalba uu xiriir qota dheer inooga dhexeeyay aan isku afgaraney inaan iskaashigeena xoojino. Gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah iyo dhammaan muwaadiniinta Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa ka faa’ideysan doona mashaariicda uu Shiinuhu dalkeena ka fulin doono”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Shiinaha uu mashaariic badan oo waxtar leh ka fuliyay qaaradda Afrika, isla markaana ay Soomaaliya baahi u qabto mashaariicda noocaasi ah, iyadoo weliba uu waddankeena leeyaha kheyraad farabadan oo uu caalamka kula tartami karo.

“Waddankeena caalamka intiisa badan ayaa daneynayaa oo doonaya inay wax nala qabtaan. Aan noqono ummad mid ah, isku duuban, diyaarna u ah inay dhisato Soomaaliya cusub oo nabad ah iyo, barwaaqo ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqey inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, taasina ay keeni karto inaan si wanaagsan uga faa’ideysano kheyraadkeena.

Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika uga qeybgalayo Shir Madaxeedka Iskaashiga qaaradda Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo shalay furmay ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Xaley waxaa uu Madaxweynaha ka qeybgaley xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Jamhuriyadda Koonfuur Afrika u sameeyay hoggaamiyeyaasha ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

— DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Ergayga cusub ee Ururka Midowga Afrika iyo Madaxa Hawlgalka AMISOM oo la wareegay Xilkaasi.

Next Post

(DAAWO): Gaalkacyo oo maanta marti u noqotay Qaabilaadda Madaxda

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Next Post

(DAAWO): Gaalkacyo oo maanta marti u noqotay Qaabilaadda Madaxda

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Sevilla ee...

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho,...

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa xaqiijiyay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo...

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion
English News

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
  • Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
  • Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00