Muqdisho(Radio Dalsan):- Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Faraamo ayaa caawa xarrunta madaxtooyada ee Villa Somalia casho sharaf ugu sameeyay xildhibaanada labada gole ee Baarlamanka iyo marti sharaf kale
casuumaadaan ayaa la sheegay in ay ka dhigantahay in madaxweynaha uu xildhibaanada golaha shacabka uga mahad celinaayo ansixinta ay ku meel mariyeen Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre
Sikastaba ha’ahaatee Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa laga dhuur-sugayaa magacaabista golaha wasiirada cusub inkastoow uu heesto 15-maalin maadaama hadalkaas uu horay kaga dhawaajiyay madaxweyne Maxamed C/laahi Faramaajo