Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa uu sheegay inay duulaan ku yihiin ciiddamada dowlada alshabaab si looga saaro deegaanada ay ku suganyihiin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo diyaariyey ciiddamada dowladda qalabka ciidan iyo mushaaraadkooda islamarkaana ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah al-shabaab.
Waxaa uu geesta kale madaxweynuhu baaq udiray dhalinyarada wali ka barbar dagaalameysa Shabaab oo uu ugu yeeray inay isaga soo baxaan fikirka dagaal ee Al-shabaab waxaana uu sheegay in dowladu ay siin doonto fursad kale loona sameen doono dhaqan celin iyo dhaqaale dhalinyaradaasi haddii ay isaga soo baxaan dagaalka Al-shabaab.
Halkaan hoose ka dhageeyso codka.