Madaxweynaha Masar oo sheegay inay Kenya ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Ammaanka Somalia.

Madaxweyne C/fataax Al-sisii ayaa hadalkaasi ka sheegay hir Jaraa’id oo  ay isaga iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta ku qabteen magaalladda Nairobi, kadib, markii uu booqasho hal maalin ah ku tegay dalkaasi.

Waxaa uu mar kale u xaqiijiyey Dowladda Kenya tageeradda Masar ee La-dagaalanka Alshabaab iyo hubinta Ammaanka ee Gobalka.

“Waxaan isku raacny inaan aad u xoojino Dadaalkeenna ku aadan hubinta Ammanka iyo Nabadda dalalka Somalia iyo Koonfur Sudan” ayuu yiri Madaxweyne C/fataax Alsisi.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo sheegeen inay si wadjir ah isga kaashan doonan La-dagaalanka coladaha Xag-jirka iyo Xag-jireynta, waa sida lagu xusay War-murtiyeedka ka soo baxay Wada-hadalkii Uhuru Kenyatta iyo C/fataax Alsisi.

Kulankaasi waxay kaloo kaga wada hadleen Xiriirka Labadooda Waddan iyo Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Niil ee ay ka wada macaashaan dalalka Ethiopia, Masar, Kenya, Sudan iyo K/Sudan, inkastoo aan heshiis buuxa laga gaarin qaabka loo wadaagi karo Webiga Niil.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media