Iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay, Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan ka socdeen qeybo ka mid ah Maamul-gobaleedka Galmudug ayaa waxaa soo if baxay inay Milliteriga Maraykanka danaynayaan inay Saldhig Milliteeri ka dhistaan Xeebta Degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug.
Taliyaha Ciiddanka Nabadsugidda ee Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay inay Maraykanka iyo Galmudug saldhig ka dhisan doonaan Degmadda Hobyo iyo Deegaanka Wisil.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta ayaa ku nuuxnuuxsaday in Saldhigaasi loogu tala galay in lagula dagaalamo Xarakadda Alshabaab iyo Burcad-baddeeda ka qowleyssata Xeebaha Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, DFS weli kama hadlin Qorshahaasi iyo haddii ay wax kala socdaan dhismaha Saldhigga Maraykanka ka dhisan doono Xeebta Degmadda Hobyo ee Istaraatijiyadda u leh La-socodka Maraakiibta isticmaasha Badweynta Hindiya.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantay, iyadoo ay Maamulka Somaliland dhawaan shaaciyeen inay Imaaraadka salddhig Milliteri ka siinayaan magaalladda Berbera, inkastoo ay DFS ka soo horjeesatay, kuna tilmaamtay mid aan sharci ahayn.
©Radio Dalsan