Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble Siyaad ayaa maanta soo gaaray magaalladda Muqdisho, waana booqashadii ugu horreysay tan iyo markii Xilkaasi loo doortay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Cosoble ayaa u yimid Muqdisho, si uu Kulamo ula yeesho Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Madaxda Hay’addaha Caalamiga ee ku sugan magaalladda Muqdisho.
Maamulka HirShabelle ee curdanka ah waxaa hor yaalla shaqooyin badan oo ay ugu horreyso Doorashada Xubnaha ka mid noqon doona Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda iyo sidii Maamulkaasi loogu qancin lahaa Siyaasiyiinta iyo Odaayaasha Dhaqanka ee ka biyo diidsan Maamulkaasi.
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar “Daba-geed” ayaa dhawaan sheegay inaan la oggolaan doonin in Maamul aan ahayn HirShabelle laga dhiso Hiiraan.
Siyaasiyiin uu hor boodayo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa u ololaynayey inay dhisaan Maamulka Hiiraan State, balse waa la joojiyey Shirkii lagu yegleeli lahaa Maamulkaasi.
Ma cadda in Xildhibaan Goodax iyo Siyaasiyiinta kale haatan ku soo biiri doono Musharixiinta HirShabelle ee u tartami doonta 8-da xubnood ee uu Maamulka HirShabelle ku yeelan doonaan Aqalka Sare.
©Radio Dalsan