Hadal-qoraal oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee QM ee bishan, ahna Danjiraha Ukraine u jooga QM, Volodymyr Yelchenko ayaa waxaa loogu hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Natiijadda ka soo baxday Hannaankii Doorashadda ee Somalia.
Qoraalka waxaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay Dowlad loo dhan yahay iyo in loo hogghaansamo Tubta Siyaasadda iyo in dareen loo yeesho Khatarta Macluusha.
Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in loo baahan yahay in Dib-u-eegis lagu sameeyo Dacstuurka KMG ee Somalia, in la dhowro Xuquuda Aadanaha, lana sameeyo Dib-u-heshiisiin.
Golaha Ammaanka ee QM waxay soo dhaweeyeen sida wanaagsan ee uu Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud sida wacan ee uu Xilka ku wareejiyey.
Sidoo kale, waxay ammaaneen Doorka Hawlgalka QM ee Taageero-siinta Somalia (UNSOM), IGAD iyo Saaxiibadda Caalamka ka qaateen Nidaamka Doorashadda Somalia.
Dhinaca kale, waxaa loogu baaqay dhamaan Hay’adaha iyo Hoggaamiyayaasha inay si buuxda ula shaqeeyaan sidii ay DFS ugu tallabsan lahayd Isbedel iyo qoddobadda muhiimka u leh dadka iyo dalka.
Hadalka-qoraalka ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM waxaa uu ka codsaday Deeq-bixiyayaasha inay kordhiyaan Taageeradda Qorshaha Samafalka Aadminimo ee Somalia iyo inay taageeraan Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda.
©Radio Dalsan
Â