Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia oo xaqiijiyey in Boqolaal Somali ah lagu soo celin doono Dalkooda Hooyo.

Ambassador Stephen Schwartz ayaa ka hadlay qorshaha dadka Soomaalida ee laga soo masaafurinayo dalkaasi, iyadoo warar soo baxay sheegeen in 4,000 oo Somali ah laga soo masafurin doono Maraykanka
Safiirka oo Isniintii la soo dhaafay la hadlay Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Portland ee Gobalka Maine ee dalkaasi, waxa uu xaqiijiyey Qorshaha lagu soo tarxiuilayo dadka Soomalida.
“Sannadkii hore wxaa dib loo celiyey 168 qof oo Soomaali, waxaana la filayaa in sannadkan Boqolaal kale loo soo masaafurin doono dalkooda Hooyo” ayuu yiri Ambassador Stephen Schwartz.

Waxa uu intasi ku daray inuu jeclan lahaa in Hab Sharci ah loo maro arrintaasi.

Ambassador Stephen Schwartz waxa uu Tusaale u soo qaatay Kiiska Muwaadin Somali ah oo lagu magcaabo Cabdi Cali, kaasi oo ay Dacwadiisa haatn ka socoto magaalladda Portland, wuxuun Danjiruhu tilmaamay in Kiiska Cabdi Cali ka mid yahay Soomaalida badan ee la filayo in sannadkan dib loogu celiyo Somalia.

Cabdi Cali isagoo 7 jir ah ayey Qoyskiisa yimadeebn Maraykanka sannadkii 1996-dii, wuxuuna Degananshah Maraykanka helay hal sanno kadib, markii uu tegay dalkaasi.

Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalka Maraykanka ayaa qabnqaabinayso inay u soo masaafuriyaan Somalia, isagoo horey u soo dhamaystay Xabsi 4-sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu sannadkii 2013-kii isticmaalay waxyaabaha Daroogadda ah.

Ninkaasi oo ku xiran Xabsiga Cumberland Jail waxa uu Isniintii hore u sheegay Saxaafadda inuusan waxba ka aqoonin dalkiisa hooyo, wuxuuna muujiyey inuu isku arko inuu yahay Muwaadin Maraykan ah.


Xigasho: bangordailynews.com

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media