Madaxweynaha Iran oo booqasho ku tegeya Shiinaha

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, inta uu ku guda jiro safarka saddexda maalmood qaadanaya ee uu ku tegayo dalkaas, maalinta Salaasada.

Iran iyo Shiinaha oo ay is-hayaan dalka Maraykanka, ayaa doonaya inay kor u qaadaan iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Shiinaha ayaa arrintan shaacisay, Axaddii, iyada oo sheegtay in safarkani ka dhashay ka dib markii madaxweynaha dalka Shiinuhu uu martiqaad rasmi ah u fidiyey dhiggiisa dalka Iran.

Madaxweynaha dalka Iran iyo weftiga la socda ayaa heshiisyo kala duwan la saxeexan doona dhiggooda dalka Shiinaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA. Sidoo kale waxaa safarkan qayb ka ah, kulamo dhex mari doona ganacsatada labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor