Qoorqoor oo ka qayb galay Munaasabad lagu caleema saarayay Gudoonka Caabudwaaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay Cabudwaaq.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Cabudwaaq  oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo kale marti galisay Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Cabudwaaq, asagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor