Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay Shir xasaasi ah oo ka dhacay Jowhar

Madaxweyanaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta shir guddoomiyay shir xasaasi ah oo looga hadla arrimaha amniga deegaanada maamulkaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan Milatariga,Amisom gudoomiyaasha gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan isaga oo qaatay waqti aad u dheer.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guddoomiyaasha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan shirka kaga dhex dhageystay xaaladda amni ee deegaanada maamulkaas.

Dhinaca kalana saraashisha ciidamada AMISOM iyo dowladda ayaa lagu wargeliyay in ay sii laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Comments
Loading...