Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudugiyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa Madaxweyne Waare iyo Wafdiga la socda kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Gamudug,iyadoo intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Waare uu kulan la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Dhuusamareeb.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan xaalad guud ee deegaanada maamulka Hirshabeelle iyo arrimo kale oo la xiriira xalkii laga gaaray Khilaafkii ka jiray maamulka Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa maalmihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa xalinta Khilaaf ka dhashay xilka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,hayeeshee ugu dambeyntii arrintaas xal laga gaaray,isagoona ku sugnaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Muddo ka badan Bil.