Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo saaray Amar ku socda Odayaashii Ergada ahaa ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Bayaan kasoo baxay Hogaanka Sare ee Al-shabaab ayaa waxaa Odayaashii ergada ahaa ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qabtay 45 maalmood inay iska diiwaan geliyaan Xarumaha Al-shabaab ee dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Bayaanka ka soo baxay Al-shabaab ayaa waxaa uu ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka,isla markaana waxaa Odayaasha ergada ahaa ay ku eedeeyeen inay galeen Dembiyo waaweyn.
45-ta maalmood ee loo qabtay Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa ka bilaabaneysa 15-07-2019,iyadoona ku Eg 01-09-2019-ka.
Ugu dambeyntii Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Odayaasha ugu baaqay inay fuliyaan Amarkaas,isla markaana sheegay in hadii fulin weyda tallaabo ay ka qaadi doonaan.
Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya uu kulanka Golaha Shacabka ka sheegay in loo yeeray Ergadii isaga soo dooratay.