Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay xubnaha Guddiga farsamo ee Doorashada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay xubnaha Maamulkiisa ku metelaya Guddiga farsamada ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu Magacaabay laba xubnood, kuwaasi oo kamid noqonaya xubnaha dowladda iyo Maamul Goboleedyada ee kasoo talobixinaya hannaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Qoorqoor ayaa mid kamid ah xubnaha uu Magacaabay waxaa uu kamid ahaa Musharixiintii kasoo horjeeeday Doorashadii uu kusoo baxay, wallow markii dambe uu taageeray Doorashadii dhacay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu sooo saaray Qoorqoor.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye,

Markuu arkay; qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-

1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug.

2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media