Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur oo ka horyimid xubno ay ansixiyeen Golaha Wasiirada

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid xubno kamid ah Xubnaha Golaha adeegga garsoorka oo Khamiistii lasoo dhaafay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumaddii  horey ay dhacay, kadib markii uu is Casilay Ra’iisul Wasaarihiii dalka, isla markaana ay gebi ahaan meesha baxayaan xubnihii Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay 5 xubnood oo ka tirsan Golaha adeega Garsoorka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, isagoo Go’aankaas u sheegay inuu yahay mid si ula kac loogu tuntay Dastuur dalka.

Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacday ay ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka, “Xukuumad heysata Kalsoonida Baarlamaanka ayaa awood u leh inay soo jeediyaan”

“Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka iyo shuruucd Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya “ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Wadajir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media