Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyadda kulan kula qaatay Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Madaxii Xukuumadda Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor iyo Sheekh Shaakir ayaa waxaa kulan siiyay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Mascuud Maxamed Warsame oo Mas’uul ka ah amniga Hogaamiyeyaasha Ahlusunna Waljamaaca.
Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Sheekh Shaakir looga hadlay dagaalkii maalin kahor Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Generaal Mascuud Warsame oo ah Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga iyo Sheekh Cabdirisaaq Saadaq Ashcari oo kamid ah xubnaha sar sare ee Ahlusunna.
Macalin Maxamuud Sheekh ayaa isna xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoona Qoorqoor uu hogaamiyaha uga mahadceliyay tanaasulkii ay sameeyeen.
Si kastaba Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud oo ah hogaamiyeyaasha Ahlusunna ayaa shalay isku dhiibay Ciidanka dowladda, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta Inji oo ay deganaayeen Culimada Ahlusunna.