Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magacaabay Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya Sharciga doorashooyinka Qaranka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska labada Guddoomiye ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 17 xubnood oo dhamaantood ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya Sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa la faray inay soo diyaariyaan xeerar dhowr ah, waxaana kamid ah Xeerka deegaameynta Koraasta, Xeerka Xuduuda Metelaada Gobolka Banaadir iyo kuwo kale.
Ugu dambeyntii Qoraalka kasoo baxay labada Guddoomiye ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddigaan la magacaabay ay xilka heyn doonaan ilaa inta ay kasoo dhameystirayan xilka loo idmaday.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen labada Guddoonka ee Baarlamaanka dalka.