Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay qarax lagu dilay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.
Qarax miino nooca dhulka ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay 4 Askar oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Warmaxan ee duleedka degmada Afgooye.
Ciidamo Milateri ah oo dowladda oo ka agdhawaa deegaanka Warmaxan ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa ay soo qaadeen Meydadka Askata halkaas ku dhimatay.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarka lagu dilay 4-ta Askari ee ka tirsanaa Ciidanka, iyagoona sidoo kale sheegay agagaarka Warmaxan ay ku gubeen Mooto ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.
Si kastaba Al-shabaab ayaa deegaano kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose Qaraxyo kala duwan mararka qaar kula eegta Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.