Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Maanta uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Ujeedka Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan gaar ah ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo halkaas ku sugan.
Sidoo kale Qoorqoor ayaa Madaxweyne Deni kala hadli doono sidii uu uga qeyb geli lahaa wejiga saddexaad ee shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb ku xiray shuruud aheyd in shirkaas Maamulkiisa uu uga qeyb geli karo oo kaliya markii Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto Shirkaas.
Dhinaca kale Maamulka Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka Shirka Madaxda, waxaana qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe lagu sheegay in dowladda Federaalka ay fulin weyday heshiisyadii lagu gaaray shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa ka socda wejiga saddexaad ee shirka Madaxda dowladda iyo qaar kamid ah maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana Qoorqoor uu Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan shirka.