Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa howl-gal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalka laga sameeyay Gendershe ayaa waxaa sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu burburiyay Goob lagu farsameynayay waxyaabaha qarxo, isla markaana halkaas ay ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ka tirsan.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, waa sida hadalka loo dhigay.
“Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Gendarshe ee ayaa waxay ku bur-buriyeen goobo Qaraxyo lagu farsameynayey, iyagoo gacanta ku dhigay xubno shabaab ah oo halkaasi ku sugnaa” ayaa lagu yiri Qoraal SONNA lagu daabacay.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka waday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Goboka Shabeellaha Hoose, waxaana dhawaan ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Kuntuwaarey ee Gobolkaas.