• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha Canfarta oo Gaaray Heshiis Rasmiga ah

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 19, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha Canfarta oo Gaaray Heshiis Rasmiga ah
27
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxwaynayaasha Degaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in lasoo afjaray isla markaana heshiis rasmi ah laga gaaray colaaddii ka dhex taagnayd labadaas degaan, taas oo muddo dheer soo jiitantay.

Wada hadallo maalmihii lasoo dhaafay usocday madaxda labadaas degaan ayaa ugu dambeyn galinkii dambe ee shalay qalinka lagu duugay heshiis rasmi ah oo lagu joojinayo colaaddii ka dhex taagnayd Soomaalida iyo Canfarta, taas oo muddooyinkii u dambeeyay dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo heshiiskan ka hadlay ayaa sheegay in ugu horreyn loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha keena isku dhacyada labada degaan, muhiimna ay tahay in dadkii ku barakacay collaaddan lagu celiyo guryahoodii ” Waxay labada degaan isla meel dhigeen in colaadda la joojiyo, lagana fogaado waxyaaba isku dhacyada keenaya, heshiiskana inaan hirgalino diyaar baanu u nahay” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhiniciisa Madaxweynaha Dowlad Degaanka Canfarta Awal Arba oo isaguna ka hadlay heshiiskan uu degaankiisu la galay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in lagu heshiiyay in la joojiyo Xabadda iyo isku dhacyada labada degaan, isla markaana la qabto wada hadal dadweyne iyadoo loo marayo qaab dastuuri ah.

Haddaba qodobada ay labada dhinac waa Soomaalida iyo Canfartu ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa, In Xabad-joojin dag dag ah la sameeyo, in dadkii ku barakacay collaadda labada degaan lagu celiyo goobihii ay ka soo barakaceen, In dhibaatoyinkii dhacay halkaas lagu soo afjaro iyo In labada degaan waa Soomaalida iyo Canfarta ay ka shaqeyaan sidii lo hirgalin lahaa heshiiska nabadeed.

Waxaa kale oo kamid ahaa waxyaabihii lagu heshiiyay in sidoo kale dib u dejin loo sameeyo dadkii ku dhibaatoobey isla markaana waxyeelladu ka soo gaartay colaadda labada degaan, In dib loo kala qaado oo la kala durkiyo Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Canfarta, In dadka deggan magaaloyinka uu muranku ka taagan yahay laga qaado Afti iyadoo la raacayo sharciga uyaalla Dastuurka dalka Itoobiya iyo In Ciidamada Melatariga lagu wareejiyo amniga saddexda magaalo ee horey la isugu hayay.

Heshiiska rasmi ah ee dhexmaray madaxda degaannada Soomaalida iyo Canfarta ayaa muujinaya horumar muhiim ah oo ku saabsan isfahamka iyo wada shaqeynta labada dhinac. Heshiiskan ayaa muhiimad gaar ah u leh xasiloonida iyo horumarinta gobolka, iyadoo la rajeynayo inuu xalliyo khilaafaadkii hore iyo inuu abuuro fursado cusub oo wada shaqeyn iyo iskaashi ah.

Previous Post

Qarax xoogan oo ka dhacay caasimadda gumaystaha Yahuuda ee Tel Aviv

Next Post

NUSOJ Denounces Secrecy and Serious Flaws in Somalia’s Official Information Bill, Threatens Democractic Transition

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Next Post
NUSOJ Denounces Secrecy and Serious Flaws in Somalia’s Official Information Bill, Threatens Democractic Transition

NUSOJ Denounces Secrecy and Serious Flaws in Somalia's Official Information Bill, Threatens Democractic Transition

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada...

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu...

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane...

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
  • Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
  • Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
  • Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00