Madaxweyne Sayril Ramafoosa ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad ay Diplomaasiyiin Afrikaan oo ku sugan magaalladda Biritooriya ugu dabaal-degayeen 55-guuradii ka soo wareegtay Aasaaskii Ururka Midowga Afrika ee AU –da.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dalalka Afrika ku tallaabsadeen hoprumar muuqda, gaar ahaan Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Bulshadda, wuxuuna xusay inuu Ururka Midowga Afrika ku socdo Dhabihii saxda ahaa ee lagu horumarinayey dadka Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Koonfur Afrtika, Sayril Ramafoosa waxa uu tilmaamay inay Qaaradda Afrika haatan khibrad u yesheen inay hoos u dhigeen Colaadaha Hubeysan, kana door bideen inay kordhiyaan Dhaqaalaha.
Waxa uu walaac xooggan ka muujiyey Deganaansho la’aanta ka jirta qaar ka mid ah dalalka Afrika, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay walaaciisa ku aadan Deganaansho La’aanta ka jirta dalalka Somalia, Libya, South Sudan, Kongada Dimuqraadigs iyo Gobalka Saaxil.
Sidoo kale, waxa uu Khudbadiisa ku xusay Madaxweynaha Koonfur Afrika farxadda dalalka Afrika ee ka midka ah 10-dal ee uu Dhaqaaalahooda aadka u kordhayo, kuwaasi oo uu ka xusay dalalka Djibouti, Ethiopia, Ghana