Duqa caasimadda dalkaasi ee Pretoria ayaa la sheegay in saacadihii hore ee maanta laga dhacay Garaigiisa Raaxadda, oo uu noociisu ahaa Mercedes Benz.
Solly Msimanga oo 37-jir ah ayaa sheegay inay labo dabley oo hubeysan ay xoog uga qaateen gaarigiisa midabka qalinka lahaa, xilli uu ka soo baxay Baar laga cunteeyo.
Mas’uulkaasi waxa u uDuq magaallo ka yahay Tshwane oo ah magaca rasmiga ee loo yaqaano magaalladda Pretoria iyo Degmooyinka ku hareeraysan tan iyo markii ay Xisbiga Mucaaradka ee Isbahaysiga Mucaaradka Dimuqraadiga (The opposition Democratic Alliance party) ku guuleysteen Doorashadda Maxaliga ee sannadkii 2016-kii.
Mar u ula hadlay Warbaahinta Maxaliga waxa uu tilmaamay inay dableyda ku soo fiiqeen Qori ay wateen, isla markaana uu u maleeyey inay doonayeen inay isaga wataan.
Dhaca gaadiidka waa ka caadi dalka Koonfur Afrika, waxaana la diiwaan geliyey in sannadkii hore dalkaasi ka dhaceen 16,717 shilal lagu dhacay gaadiid, waxayna tiradaasi ka sarreysaa tiradii la diiwaan geliyey 10-kii sanno ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dalkaasi caadi ka ah dhaca hubeysan, kufsiga, dhaca gaadiidka, iyo hanjabaadaha waa weyn.