Madaxweynaha  Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustaf Muxumad Cumar ayaa Caawa kulamo kala duwan waxa uu ka wadaa Magaaladda Jigjiga halkaas oo Galabta uu gaaray laguna soo dhaweeyey.
Xarunta Madaxtooyada Dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa kulamo uga socdaa,isaga iyo Siyaasiyiin iyo waxgarad ka mid ah Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya,waxaana amniga xaqiijinaya Ciidamo Millateri ah,kadib markii Ciidankii Liyuu Boolis ee uu abuurtay Madaxweynihii la eryay Cabdi Maxamuud Cumar.
Caawa ayuu Madaxweyne Mustaf Cagjar waxa uu wadaa kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo xubno ka tirsan DDSI, Odayaasha Gobolada iyo xubno kamid ah ururka Dulmi-Diid oo ay ku bahoobeen qurbe joogta ka soo jeeda DDSI.
Maalinta berito ah ayaa la filayaa in sidoo kale Madaxweyne Mustaf Cagjar oo la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaas oo aad u soo dhaweeyey markii loo doortay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.