Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay inuu Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula xiriiray Qoyskii Saxafigii Sacuudiyaanka ee la dilay ee Jamaal Khashoggi.
Madaxweyne Erdogan waxa uu Qoyskii Jamaal Khashoggi uga tacsideeyey dilkaasi oo ay xubno ka tirsan ku dileen gudaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul.
Dhinaca kale, Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin C/casiis iyo Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay maanta la kulmeen will uu shalay Jamaal Khashoggi.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa soo bandhigay Muuqaalka Qaabilaadaasi, wuxuuna Boqor Salmaan u tacsideeyey Qoyska Jamaal Khashoggi.