Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Yareey) ayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee xilligaan dalka ka jira ugu baaqday inay ilaaliyaan Sharciga Xisbiyada.
Sharciga Xisbiyada ayaanan weli ansixin Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha wasiirada Soomaaliya waxaana socda qorsho lagu dhameystirayo.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in xisbiyadu ay waajib ku tahay inay dhowraan Sharciga Asxaabta oo lagu dhisayo nidmaamka aas’aasiga ahaa ee Dowladnimo.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo Yareey ayaa hadalkaan Maanta ka sheegtay shir watashi ah oo ku saabsanaa qabya qoraalka Sharciga Asxaabta oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka.