Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thani waxa uu Dhambaal Hambalyo u soo diray Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu ugu tahniaydeeyey Munaasabadda Maalinta Xorriyadda dalka Soomaalia oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha Luulyo.
Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh C/llaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al-thani waxa uu dhambaal hambalyo ah u soo diray dhigiisa Somalia, Xasan Cali Kheyre oo ku aadan Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Soomaaliya.
Wuxuuna sheegay inuu la wadaagayo Ra’isul-wasaare Kheyre, Dowladda iyo Dadka Soomaalida maalinta weyn ee Xorriyadda Soomaaliya oo maanta loo dabaal-degayo.