Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir,taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.
Sidoo kale xiliga uu Madaxweyne Farmaajo ubaxa dhigaayay Tallaada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ku sugnaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Baanbeyda oo garaacayay Muusica Astaanta Qaranka.
Dhinaca kale Waxaa halkaasi ku sugnaa dadweyne farabadan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir,kuwaasi oo ka qeyb qaadanayay Munaasabada lagu xuseyo Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Israacii Koonfur iyo Waqooyi.
Munaasabadda uu Madaxweyne Farmaajo ubaxa ku dhigaayay Tallaada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Warfaahinta,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,iyo Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Federaalka iyo xubno kale.