Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus oo dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed uu aatan Kasocda deegaanka Xananbuure ee wuqooyiga Gobolka Galgaduud waxaana kasoo baxaya faahfaahino ku aaddan dagaalkaas.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu yahay mid culus isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan sida ay kusoo waramayaan dadka ku nool deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa mudda is hor fadhiyay ayaa la sheegay i9n dagaalkoodu uu salka ku hayo Baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan ku yaalla,iyada oo ay jireen in dhowr jeer la isku dayay in lakala dhexgalo hase’ahaate ay guul dareysteen wadahaladaas.