Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War kasoo saartay Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland uga furmaya Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalada dib u bilowday ee lagu doonayo in heshiis looga gaaro hanaanka Doorashada dalka ee 2020/2021.
Madasha Xisbiyada ayaa ugu baaqday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.
Sidoo kale Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.