Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay inta u dheexeysa deegaanada Miirdugul iyo ceel-cali mire, waxaana dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadan Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay ka hortageen weerar qorsheysan oo Al-shabaab ay doonayeen inay ku qaadan Saldhiga Ciidamada, iyadoo intaas kadib uu dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac.
“Cidamada ayaa helay xogta ah in d Al-Shabaab ay maleegayeen weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortagaan oo ay fashiliyeen weerarka” ayaa lagu yiri hadal ay baahisay Warbaahinta Dowladda.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana markii dambe xaaladda duleedka Magaalada ay kusoo laabatay si caadi ah.