Ciidamo Liyu Police ah ayaa maanta lagu soo daadiyay waddooyinka Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deeganaka Soomaalida Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Ciidamada Liyu Police-ka ayaa sigaar ah waxaa loo geeeyay xaafado ka tirsan Jigjiga oo laga cabsi qabo in ay sameeyaan mudaharaadyo looga soo horjeedo xasuuqii ka dhacay shalay Magaalada Raaso ee loo geystay Caruur yar-yar.
Madaxweynaha qowmiyada Oromia Shimelis Abdissa oo la hadlay idaacada Oromada ayaa ka tacsiyeeyay xasuuqii loo geystay caruur aad u yar-yareyd oo Ciidamada Liyu Police-ka ay shalay ku dileen Raaso, waxa uuna ballan qaaday in ay diyaar u yihiin gargaar caafimaad oo ay u fidiyaan dadka dhaawaca ah.
Shacabka ku dhaqan deegaanka ayaa maanta ku tilmaamay waxii shalay dhacay ficil foolxun oo caruur lagula kacay, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Magaalada Jigjiga oo ku aadan falkaas dhacay.