Madasha Xisbiyada oo War kasoo saaray Go’aanadii Shirka Garoowe

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War-murtiyeed ku cabirtay aragtida ay ka qabto Shirweynihii wadatashiga ee Puntland ee lagu soo gaba-gabeeyey Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madasha Xisbiyada ayaa sheegtay inay soo dhaweeynayan qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga Puntland gaar ahaan kuwa ku aadan ilaalinta Dastuurka dalka iyo xoojinta midnimada ummada Soomaaliyeed.

Qoraalka ay soo saareen Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay inay xoojinayan qabashada Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha dalka in lagu qabto xiligii loogu talagalay, iyagoona ka dhigay Khatarta ka imaan karta dib ku dhac ku yimaada Doorashada.

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo maamul Goboleedyada dalka ugu baaqay inay xoojiyaan ilaalinta nabadda iyo in Khilaafyada jira lagu dhameeyo wadahadal.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media