Wasaaradda Caafimaadka DFS oa ka hadashay xaalada dalka ee COVID-19

Wasaaradda Caadimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Cudurka Coronavirus oo qofkii horeeyay laga helay Muqdisho, kaasi oo ka yimid dalka dibadiisa lana karantiilay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa beenisay warar been abuur ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha Bulshada oo ahaa in Kiis kale laga helay Muqdisho, hayeeshee Wasaaradda ayaa tilmaamtay in uusan jirin kiis kale oo ah Coronavirus oo laga helay dalka Soomaaliya ama laga shakisan yahay.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay ku daba-jirto dhamaan rakaabkii diyaaradda la saarnaa qofka la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka COVID-19.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media