Madasha Xisbiyada oo shaacisay Ajendaha kulanka MW Farmaajo iyo Madaxdii hore

Iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya soo bandhigtay Ajendaha looga hadlayo kulanka Maanta ee dhexmaraya Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa Ajendagaal kale soo bandhigay Madasha Xisbiyada Qaran.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Ajendaha ugu muhiimsan ee kulanka uu yahay Arrimaha Doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo Sanadka 2020-ka.

Dhinaca kale Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa soo bandhigtay Ajendayaal dhowr ah oo ay sheegeen in looga hadlayo kulanka Maanta ee uu dhexeeya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Ajendayaasha ay soo bandhigeen Madasha Xisbiyada Qaran.

  1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.
  2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.
  3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.
  4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.
  5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media