DEG DEG:- Xoghayaha Guud ee QM oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagay Xoghayaha guud ee Qm Antonio Guterres isaga iyo wafdi lasocda,waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey madax katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda xafiiska Qm ee Muqdisho.

Booqashadan oo hore loo shaaciyey,islamarkaana maalmo ka hor uu sheegay inuu booqan doono Qaarada Afrika , ayaa  markii ugu horeysay waxaa uu ku yimid xoghayaha Qm Antonio Guterres muqdisho kaasi oo dhwaan badalay xoghayihii hore Banki-moon oo mar Muqdisho ku yimid Booqasho.

Waxaa la filyaa in saacadaha soo aadan uu la kulmo madaxweyne Farmaajo, isagoo kala hadli doono xaaladaha daran abaarta ka jirta deegaano kamid ah dalka iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media