Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Somalia oo la wareegay Xilkaasi.

Maareeyaha Cusub ee Hay’addaasi, Yuusuf Cabdi Cabdulle “Jaalle” waxa uu maanta ka qewyb galay Munaasabad ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo uu si rasmi ahaan ula wareegay Xilkaasi.

Maareeyaha waxa uu tilmaamay inuu wax badan ka qaban doono Hawlaha ay Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada u hayso Qaranka Somalia.

Waxa uu ku booriyey Hawlwadeennadda iyo Shaqaalaha Hay’adda inay sii labanlaabaan Kartidooda, isla markaana ay kula garab galaan Hawsha Qaran ee loo soo magacaabay.

Md. Yuusuf Cabdi Cabdulle waxa horey loogu magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, balse Maareeyaha xilka haatan haya, Jeneral Aadan Cabdi Ashkir  ayaa ka biyo diiday inuu xilkaasi wareejiyo, isagoo sheegay in Dekereeto Madaxweyne looga qaadi karo Xilkaasi.

Dhinaca kale,  Madaxweyne Farmaajo waxa uu bishan April 21-dii u magacaabay Yuusuf Jaalle inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media