Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Taabid Cabdi Maxamed waxa uu maanta dhagax dhigay Isgoyska Degmada Kaaraan, kaasi oo laga dhigayo Waddo Laami ah.
Munaasabadaasi waxa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Degmadda Kaaraan iyo Masรขโฌโขuuliyiin kale.
Hawsha Dhismaha Waddadaasi ayaa la filayaa in lagu soo dhamaystiro muddo dhowr Toddobaad ah, iyadoo Waddadaasi haatan tahay mid burbursan, lana dayactirin 25-kii sanno ee la soo dhaafay.
รยฉRadio Dalsan