Wasiiirkii hore ee Caddaalada ee Xukuumadda Federalka, Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo haatan ka tirsan Barlamaanka Federalka ayaa shaaciyey inuu ku faraxsan yahay inuu Farxadda Munaasabadda Ciidul Adxa darteeda inuu cafiyo dhamaan inta isaga u geysatay Xadgudubka, wuxuuna u rajeeyey inay si Farxad leh ku Ciidaan.
Xildhibaan Faarax oo Qoraal soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayuu waxa uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay is wada cafiyaan Munaasabadda maalinta Carafo oo astaan u ah in Cafis Ilaahay la weydiisto.
Qoraalka uu Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir soo dhigay Bartiisa Facebook, waxa uu u qornaa sidatan:
Ciid Mubaarak, kullu-caam wa-antum bikhayr, Ilaahay sanadka sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabad”. Waxan salaanta ciidal Adxa ku salaamayaa dadyawga islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka Somaliyeed, waxaan leeyahay ku ciida farxad adinka iyo dhammaan eheladiinna.
Munaasabadda maalinta Carrafo iyo ciidda barakaysan waxay astaan u tahay in Cafis Ilaahay la weydiisto. Si aan cafiska ilaahay ugu guulaysanno waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed in ay is cafiyaan, waxaan ku faraxsanahay in aan cafiyay dhamaan inta xadgudub ii gaysata. Farxad ku ciida.
©Radio Dalsan