Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu Al-baabada u laabay Dugsiyo ku yaalla magaaladaas.
Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa irridaha isugu laabay afar dugsi sare oo ku magaalada Gaalkacayo, kuwaas oo dowladdu ku eedaysay in ay baal-mareen sharciga waxbarashada Puntland, sida uu sheegey Guddoomiyaha Waxbarashada Mudug.
Maamulayaashii afarta dugsi iyo macallin kale ayaa sidoo kale xabsiga la dhigey Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in dugsiyadaasi lagu dhiganayey manhajka waxbarashada Soomaaliya, balse Puntland way beenisay arrintaasi, iyada oo dugsiyadaas ku sheegtay kuwa qas-wadayaal ah.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Ardaydii dhiganaysay dugsiyadaas ay tageen saldhigga dhexe ee Gaalkacayo, iyagoo ka cabanaya sababta loo xiray dugsiyada ay wax ka baranayeen balse Booliska ayaa rasaas ku kala eryey.
ma jiro wax war ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbaarshada maamul Goboleedka Puntland oo ay kaga hadlayan dugsiyadaas irdaha loo laabay.