Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Jabuuti Kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Galmudug Maxamed Nur Gacal, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, siyaasiyiin iyo maamulka caasimadda ayaa weftiga Madaxweynaha ka sagootiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb.
Qoorqoor ayaa tan iyo markii loo dooraty madaxweynaha Galmudug waxaa uu waday dar-dar galinta siyaasadda iyo sidoo kale kulamada uu la leeyahy Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad Goboleedyada.