Maamulka Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa soo saaray amar Cusub oo ku socda dadka shacabka ee degan gudaha Magaaladaas, waxaana amrkaas uu yahay mid la xiriira dhulalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa waxaa shacabka hobyo dagan lagu amray in ay baneeyaan dhulkii ay laheyd dowladda Federaalka ee ku yaalla halkaas oo dadka qaarkood ay dhisanayaan.
Sidoo kale Shacabka degan dhulalka ay leedahaya dowladda ayaa waxaa lagu amray inay uga guuraan muddo 30 maalmood, isla markaana dadka degan dhulalka ay ka qaatan wax kasta oo u yaalla.
Ciidanka amniga Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la faray inay burburiyaan guri kasta oo laga dhistay dhulalka dowladda markii uu dhammaado waqtiga loo qabtay dadka shacabka ah ee dhulalka degan.
Dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Galmudug uu ku guuleystay in xal laga gaaro is qabqabsi la xiriiray dhulal ku yaalla deegaano hoostega Hobyo, xili is qabqabsigaas uu ka dhashay dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdullaahi Axmed.