Maamulka Jubbaland oo Amar Deg-deg ah siiyay Hay’addaha Samafalka

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Maamulka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jubbaland iyo qeybaha Bulshada, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Maxamuud Sayid Aadan oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoo faray hay’adaha Samafalka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro darran oo sameeyay dadka iyo xoolaha, isla markaana waxaa go’ay ceelashii biyaha laga cabi jiray, iyadoona dadka ay heysato xaalad adeg oo u baahan in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor