Maamulka Jowhar oo adkeeyay ammaanka Jowhar

Taliyaha Booliska degmada Jowhar Maxamed Siyaad oo la hadlay radio Dalsan ayaa sheegay in la adkeeyay amniga magaalada gaar ahaan madasha shirka ka socda magaaladasi.

Taliyaha ayaa sheegay in booliska ay door weyn ku leeyihiin xaqiijinta madasha shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamada ay howlgalo balaaran ka sameeyan xaafada magaalada Jowhar si ammaanka sare loogu qaado.

Masuuliyiin badan ayaa weli u jooga magaalada Jowhar ka qeybgalka shirka maamulka loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor