Qaar kamid ah dadka kun nool degmada Kaaran oo ka cabanaya dhac loo geysto

Qaar kamid ah dad shacabka ee ku nool degmada Kaaraan ayaa radio Dalsan u sheegay in dhac toos ah uu u geysto askari ay sheegen inuusan xirneyn dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.

Mid kamid ah haweenka ku nool xaafada Jabuuti ee degmada Kaaran ayaa Dalsan u sheegtay in ninkan hubeysan oo guryaha ugu galay dhowr qoys islamarkaana uu qaatay Taleefano badan.

Waxa ay dowlada Soomaaliya ugu baaqday iney si deg deg wax uga qabtan dhacan uu u geysto qofkan hubeysan.

Maamulka degmada Kaaran oo aan la xiriirnay ma aysan ka jawaabin wicitankeenna haddaba marka aan helno ayaan idin soo gudbin doonnaa insha allaah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor